Ciidamada dowladda oo fashiliyay qarax la dhigay bartamaha Suuqqa.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta Qarax ku qabtay Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaraxaan ayaa ahaa mid lagu soo dhex riday caag jirigaan laguna sii xareeyay gasacada wayn ee caana boorahaka dibna lasoo dhigay Suuq ku yaalla Magaalada Baardheere.

Qaraxa waxaa la dhigay goob aad u mashquul badan , sida ay ku waramayaan Saraakiisha Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.
Sarkaal lagu magacaabo Timajilic oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Al-Shabaab Qaraxaasi ay meesha geliyeen , islamarkaana ay doonaayay in ay dadka Shacabka ah ku dhibaateeyaan.

taliye tima jilac waxa uu sheegay inaysan wali qofna u qaban qaraxan balse baaritaan hoose uu socdo si loo soo qabto dadkii qaraxaas meesha dhigay.