Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay Haweeneydii lagu gowracay Degmada Mahadaay.

Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu ka hadlay Haweeney xalay saqdii dhexe lagu Gowracay Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabo Sacdiyo Maxamed Maxamuud ayaa waxa ay xaas u aheyd Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Maamulka Hirshabeelle Sacdiyo Maxamed Nuur (Sacdiyo Burus) ayaa waxa ay ka hadashay dil xalay saqdii dhexe Degmada Mahadaay loogu geystay Haweeney Ganacsi ku laheyd halkaasi.
Sacdiyo Maxamed Nuur (Sacdiyo Burus) Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegtay arrintan in ay tahay mid naxdin leh oo laga argagaxo.

Dilkan oo ay geysteen Al-shabaab goor habeen ah oo ay dadku hurdeen ayay haweeneydaas  kala baxeen gurigeeda ayagoona gowracay.

Shabaab ayaa ugaarsi ku haya dadka ayagu xariirka la leh ciidamada dowladda gaar ahaan waxay beegsadaan dadka ku ganacsada goobaha ay ka ag-dhowyihiin ciidamada dowladda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo shabaabku ay waxyeelo u gaystaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan meelaha ay shabaab ka ag-dhowyihiin waxayna mar walba dhibaato u geystaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.