Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dowladda ay dhisi doonto Hay’adda Qurba joogta Qaranka ah (Sawiro)

(London 10ka May). Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyay shirka arrimaba bulshada rayidka iyo Qurrba-joogta oo ay ka qeyb galeen Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Shirkan oo saaka ka dhacay London ayaa looga hadlayay doorka Qurba joogta ee kaga aadan dib u dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Khudbado kala duwan waxaa shirka ka jeediyay qurbo joog ka kala yimid Yurub iyo Ameerika oo ka hadlayay kaalinta qurba-joogta ee labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay qurba joogta kaalinta ay ka qaateen dib u dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wey ka war qabtaa kaalmada qurba joogta iyo dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in dowladda Federaalka ay dhisi doonto Hey’adda Qurba-joogta Qaranka.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa shirka ku soo bandhigay 4 hab cusub, si dowladda uga faa’ideysato xirfadda bulshada rayidka iyo qurba joogta.

Shirka ayaa laga soo jeediyay talooyin kala duwan oo ay jeediyeen dadkii madasha ka hadlay, waxaana la isla qiray in qurba-joogta ay 20-kii sano ee la soo dhaafay kaalin weyn ka geysteen Soomaaliya, isla markaana ay dhaqaale fara badan u direen.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka Arrimaha Soomaaliya looga hadlayay, kaasoo ay si wada jir u shir guddoominayaan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha UK iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Sawirada