Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay oo gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada london waxaana la filayaa in maanta galinka dambe uu halkaas ka furmo shirkii in dhoeydba la sugaayay.
Safarkan uu ku tagay madaxweynaha magaalada london waxaa ku wehliyey R/wasaare ku-xigeenka Dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Madaxweynaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.
Ajandayaasha Shirka looga London looga hadli doono ayaa kala ah Arrimaha Amaniga ,Kobcinta dhaqaalaha,Siyaasada ,Dib u eegista Dastuurka iyo Wadashaqaynta Beesha Caalamka iyo Dowladda 4-Sanao ee soo socota.
Halkan hoose ka daawo Sawirada