Wararka ayaa sheegaya in degaanka Goof-gaduud Shabeelow oo 30-KM ujira Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ay saakay degantahay, kadib markii shalay ay halkaasi ku dagaalameen Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Dagaalyahanada Shabaab.
Dagaalkan oo labada dhinacba ay ka sheegteen guulo kala duwan oo ku aadan Cidda gacanta ku heysa degaanka Goof-Gaduud.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Degaanka Goof-gaduud Shabeelow ayaa soo sheegaya Ciidanka Dowladda in ay ku sugan yihiin Degaanka, sidoo kalena laga saaray Dagaalyahanada Shabaab.
Waxaana wararku ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan aysana jirin wax rasaas ah oo laga maqlayo degaankaas shalay oo dhan lagu dagaalmayay.
Waxaana hadda bilaabatay in dadkii shacabka ahaa oo shalay halkaas isaga cararay ay hadda bilaabeen inay kusoo laabtaan degaankooda.