R/Wasaare Khayre oo Sheegay inaysan asaga iyo Madaxweyne Farmaajo aysan Dalkan wax ka qaban karin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay Madaxweynaha iyo isaga kaliya inaysan waxba ka qaban karin xaaladda dalka Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre oo ka hadlaayay kulankii shirweynaha Qaran ahaa ee looga hadlaayay Manhajka waxbarashada Dalka.

Wuxuu sheegay inaysan habooneyn in madaxda kaliya lagu fiirsado wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya oo u baahan si wadajir ah in looga qayb qaato xasilinta dalka iyo nabad ku soo dabaalidiisa.

Muwaadin kasta Soomaaliyeed ayuu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya inay masuuliyad ka saaran tahay wax ka qabashada xaaladda Somaliyed, si looga baxo dhibaatada, wuxuuna sheegay madaxda dowladda inay muhiim tahay in lala xisaabtamo.

Sidoo Kale R/wasaare Khayre ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu sugaayo dadka soomaaliyeed aysana ka sugin qof kale oo ay u istaagaan sidii dalkaan loo samata-bixin lahaa.
Ugu dambeytii Waxaa uu xusay in dhalinyarada Soomaaliyeed in laga doonaayo in ay is abaabulaan oo ay la xisaabtamaan Madaxda dowladda.

Halkaan ka dhagayso Codka R/wasaare Khayre