Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo heshiis taariikhi ah kala saxiixday

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 60-aad ee Midowga Yurub.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Xubno ka ka socday Midowga Yurub, Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ka mid yahay Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo xubno kale.

Markii ay soo idlaatay Munaasabada ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo faah faahin ka bixiyay heshiis ay kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Waxa uu sheegay Wasiir Jamaal heshiiska in uu ku saabsan yahay markii ugu horeysay Taariikhda in Wasaaradda Qorsheynta lagu soo wareejiyay maareynta Mashaariicda iyo gar gaarka Midowga Yurub uu bixinayo, saxiixeedana ay yeelaneyso Wasaaradda.

Sidoo kale Waxa uu sheegay Mashaariicda in ay ka dhaxeyso ummadda Soomaaliyeed oo dhan, ayna imaanayaan Maamul Goboleedyada oo dhan, meel kasta oo baahi ka jirto oo Soomaaliya ka tirsana la gaarsiinayo.

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa sheegay in ay saxiixeen lacag dhan 49 Million oo Midowga Yurub uu siiyay Soomaaliya, taasi oo loogu tala galay sidii loogu hormarin lahaa Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay wax badan in Nairobi loo aadi jiray in la soo qorto Mashaariic, kadib wadanka la keeno, balse taasi ay dhammaatay hada wixii ka dambeeya, wax kasta oo la sameynayana ay ku fuli doonaan Qorshaha Hormarinta Qaranka.