AMISOM oo dhegaha ka fureysatay Amarkii Gudoomiyaha Gobalka Banaadir

Afhayeenka ayaa ka hadlay Amarkii Gudoomiyaha gobolka Banaadir uu ciidamda AMISOM uga Mamnuucay Wadada makka Al-Mukarama.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Mr. Joe Kibet oo wareysi gaar ah siiyay Idaacad ku taalo magaalada Muqdisho, Waxaa uu sheegay in aysan jirin wax amar ah oo ay ka warqabaan , islamarkaana Amarka gudoomiyaha ay ku arkeen Baraha Bulshada oo keliya.
Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale waxaa uu tilamamay in AMISOM aysan qaadan doonin Warar ay ku arkeen Baraha Bulshada .
Waxaa uu sidoo kale Xusay in hadii Amarkaasi gacanta loo geliyo taliyahooda,  ay war kasoo saari doonaan inta ka horaysana ay wadada isticmaali doonaan.

afhayeenka ayaa sheegay in waxii amar ah ay ku wanaagsantahay in qoraal ahaan la isagu gudbiyo si nidaamka loo ilaaliyo balse aysan ahayn in hadal la iska dhaho uusan amar ahayn.