Kaaliyihii Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka oo Muqdisho lagu dilay

 

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay allaha u naxariistee kaaliyihii Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Mursal Aw Cumar.

Dilkan ayaa ka dhacay Degmada Waaberi xaafad ka tirsan waxaana geystay rag ku hubeysan bistoolado kuwaas oo markay dilka geysteen kadib isaga baxsaday goobta.

Ciidamo katirsan laamaha amaanka dowlada Soomaaliya oo gaaray halka uu dilku ka dhacay waxayna sameeyeen baaritaano, mana jiraan ilaa hada cid loo soo qabtay dilka ka dhacay Degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca dilalka qorsheesan ee loo geesto dadka u shaqeeya dowlada Soomaaliya iyo ciidamada, waxaa sidoo kale Muqdisho kusoo kordhaya qaraxyada gaar ahaan kuwa gaadiidka la isugu xiro.