Al-Shabaab oo weerar xoogan ku qaaday degaan ka tirsan Gobolka Bay

Wararka ka imaanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in Saakay aroorti hore ay dagaal yahanda Al-shabaab weerar kusoo qaadeen deegaanka Goof Gaduud oo 30 Km u jira magaalada Baydhabo.

Dagaalkan oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Kuufur Galbeed  iyo ciidamada dowladda Federalka oo isku dhinac ah iyo  kuwa al-shabaab oo weerar kusoo qaaday fadhiisamo ciidankaasi ay ku sugnaayeen.

Dagaalkan oo ah mid culus ayaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan ayadoona ciidanka Maamulka Koofur galbeed ay helayaan Gurmad uga imaanaya Magaalada baydhabo.

Waxaa jirta Sheegasho ay ururka al-shabaabku sheeganayaan inay degaankaas kala wareegeen ciidanki ku sugnaa balse lama hayo xaqiiqo dhex dhexaad ah waxaana adag in faahfaahin dheeraad ah laga helo xaalada degaankaas dagaalka oo aad u culus darteed.

Degaanka Goof-gaduud oo 30-KM u jira Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay dhowr jeer oo hore waxaa ku dagaalamay Ciidanka Dowladda iyo Dagaalyahanada Shabaab.