R/wasaare Khayre oo markab dushiis kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan Midowga yurub (Sawiro)

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shalay kulan la qaatay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub kulankaas oo ka dhacay Markab dushiis.

R/wasaare Khayre waxa uu sheegay in uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhismaha Ciidamada badda Soomaaliya, si loo ilaaliyo amaanka Badda iyo Khayraadka umadda Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in Saraakiisha Midowga Yurub ee uu la kulmay  ay u balan qaadeen in la tayayn doono ciidamada badda Soomaaliya.

Mudane Kheyre ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in la dhiso ciidamada badda si ay uga hortagaan kooxaha burcadbadeeda Soomaalida iyo kaluumeysiga Sharci darada ah.
Waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in ay difaacato badaheeda ayadoo lagu ilaalin doono maraakiib iyo diyaarado Helokabtar ah ayna arintaas hirgalinteeda ku tala jiraan.

daawo Sawirada.