DHAGAYSO CODKA: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka Mamnuucay Gaadiidka AMISOM inay maraan wadada Maka-Almukarama

Amar kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa looga mamnuucay inay maraan gaadiidka Ciidanka AMISOM wadada Maka Almukarama.

Laga bilaabo Isgoyska OTOTO ama taalada Saydka ilaa iyo Isgoyska Banaadir ayaa laga mamnuucay inay maraan Gaadidka ay wataan ciidanka AMISOM.

Gidoomiye Taabid ayaa sheegay in ciidanka AMISOM laga bilaabo saacaddaha 6:00 subaxnimo ilaa 6:00 Maqribnimo in aysan marikarin wadadaasi.

Taasoo uu ku sheegay gudoomiyaha in ay cabasho badan ka muujiyeen shacabka marista wadadaas oo ay aad u adeegsadaan ciidanka AMISOM marar badana ay ka dhacaan shilil.

Sidoo kalena waxa uu sheegay Taabid markii uu dhagaystay talada laamaha amniga inuu qaatay go’aanka ah inuu wadadaas ka mamnuuco marista Gaadiidka Amisom.

Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka  Banaadir ayaa amray laamaha Amniga hadii ay Ciidamada AMISOM isku dayaan in ay maraan wadadaasi in ay soo qabtaan.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u aqriyay Wareegtadaasi.

Halkan ka dhagayso codka