Munasabadaan oo lagu xusayay maalinta Caalmiga ah ee Umulisooyinka Adduunka isl markaana ay ku qalin jabinayeen gobdho bartay Cilmiga umulisanadda ayaa manta lagu qabtay xaruunta tababarka Ciidanka Soomaaliyeed ee Gen Kaahiye ee Magaladda Muqdisho .
Munasabada oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ayaa waxa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Wasiirka Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’isiul Wasaaraha Cabduulahi Xamud , Xildhibaano , Dhaqatiir iyo Marti Sharaf kale .
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa ugu horayn hambalyo iyo dar-daaran u diray gabdhaha bartay cilmiga Umulinso-nimada waxa uuna cadeeyey in Haweenka soomaliyeed ay hormuud ka ahaayeen bad-baadinta umadda Sooomaaliyeed xiligi adkaa ee dalka soo maray .
Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale Hambalyo ku aadan Maalinta Umulisada Adduunka u diray Umulisooyinka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay Haweenka soomaalieed in ay horseed an daalin u noqdaan horumarka dalkooda Hooyo.