Qarax lala beegsaday ciidamada dowladda oo ka dhacay Sh/Hoose

Qarax xoogan ayaa lala eegtay ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaan lagu magacaabo kabtan laas oo ku yaala duleedka magaalada Shalanbood.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga ayaa Xaqiijiyay in Qaraxaasi ay ku dhinteen laba askari sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Saddex kale.
Sida ay sheegeen dadka degaanka Qaraxa ayaa ka dhacay Kontorool ay joogeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi, waxayna sheegeen inay iyaga ku aaseen qaraxa goobtaasi ciidamada lagula eegtay.