Waxaa lasoo sheegayaa in Madaxweyne Farmaajo uu qorsheynayo inuu safar dhulka ah ku aado magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose taas oo 30km u jirta caasimada Muqdisho.
Qabanqaabada safarkaan ayaa laga dareemayaa gudaha Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda taasoo la arkayo ciidamo badan oo loo diyaariyay inay amaanka madaxweynaha sugaan ayadoona wararka lagu helayo ay sheegayaan in Gaadiid dagaal iyo Ciidamo badan la dhoobay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Afgooye.
Safarka madaxweynaha oo ay ku wehlin doonaan xubno katirsan golaha wasiirada iyo taliyaasha ciidamada ayaa noqonaya kii labaad ee dalka gudahiisa uu ku tago meel ka baxsan Muqdisho, waxaana uu horey u tagay magaaladda Baydhabo.
Haddii uusan qorshaha qabanqaabada wax iska bedelin Safarkan uu madaxweyne Farmaajo ku booqanayo Magaalada Afgooye ayuu ugu kuur gali doonaa xaalada degaanka Afgooye iyo Bulshada ku dhaqan oo uu Masuulka ka yahay.
Magaalada Afgooye waa meel ay ka jirto xaalad cabsi oo dhanka amaanka ah ayadoo ay u sii dheertahay in magaaladaas ay dhowr jeer uruka al-shabaab ay duulaan kusoo qaadeen ayna u suurta gashay inay gudaha magaalada soo galaan.