War aynu helnay ayaa sheegaya in dowladda Federalka ee Soomaaliya ay Wafdi horudhac ah u dirtay dalka Ingiriiska halkaasoo lagu balansanyahay in 11 bishan uu ka furmo magaalada London shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorsheynta hadana ah Madaxa Qaban qaabada shirka London ee dowladda Federaalka C/raxmaan Ceynte .
Wafdigaan ayaa loogu tala galay in ay lasii kulmaan Mas’uuliyiinta dowladda Ingariiska ee Shirkaan Marti gelinaya.
Cabdiraxmaan Ceynte ayaa sheegay in Shirkaan ay Faa’ido badan ay ugu jirto umadda Soomaaliyeed , islamarkaana dowladda Soomaaliya ay codsan doonto in laga cafiyo deymo badan oo lagu leeyahay.
Shirka London ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan sidii dowladda federalka Soomaaliya ay taageera buuxda uga heli lahayd dowladda ingiriiska iyo qorshaynta arimaha ciidamada iyo iskaashiga ka shaqaynta amaanka dalka.
Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay kusoo hadal qaado sidii dowladda ingiriiska uga shaqayn lahayd qaabka loo wajahayo ka qaadista xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.