Madaxda Dowladda oo aan u kala harin Xafladii lagu soo xirayay Kalfadhiga 1aad ee Golaha Aqalka Sare (Sawiro)

 

Madaxda u sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ka qayb galay xaflad lagu soo xirayay Kal fadhiga 1aad ee Golaha Aqalka Sare, taasoo lagu qabtay Xarunta Golaha Aqalka Sare oo ku taalo Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadaan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan, Heeso iyo madadaalo.

Waxaa xaflada ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha shacabka Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Ra’iisul Wasaare Kheyre, kuxigeenkiisa, Xildhibaanada labada gole iyo Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in howlo badan oo la taaban karo u qabsoomay Aqalka sare, isagoo xusay inay sameeyeen xeer hoosaadkii, iyo guddiyadii joogtada ahaa.

Waxaa uu sheegay Golaha Aqalka sare uu yahay baarlamaan ku cusub siyaasada, waxaa uu tilmaamay in horay uga soo qeyb qaateen doorashadii Madaxweynaha iyo tan hoggaanka Aqalka sare.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Aqalka sare uu ka qeyb qaatay howlihii gurmadka abaaraha, oo ay ugu deeqeen lacag gaareysa 33-kun oo dollar.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in labada Gole ee Baarlamaanka uu wada shaqeyn wanaagsan ka dhaxeeyo, isagoo xusay in markii la dhisayay shaki laga muujinayay in aanay wada shaqeyn karin labada gole

Jawaari ayaa sheegay in Guddiyada joogtada labada gole ay kulmi doonaan bishiiba hal mar, si ay isku weydaarsadaan howlaha ay hayaan.

Golaha Aqalka Sare ayaa galay fasax, waxaana uu soo laaban doonaa oo uu kalfadhigiisa labaad uu furmi doonaa 5-ta bisha July.

Halkan hoose ka daawo Sawida