Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Eng. C/Raxmaan Yariisow ayaa tababar usoo xirayShaqaalaha warbaahinta Qaranka .
Tababarkaas ayaa 32-ka mid ah Howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ayaa ka faa’iideystay Tababarkaan oo socday mudo Shan maalmood ah oo ay bixinaysay hay’adda Vikes ee wadanka Finland.
Macalimiinta bixinayay Tababarkaan oo u dhashay Waddanka Finland ayaa sheegay Gaba gabadii siminaarkaan in cashiro muhiim ah lagu bartay sidoo kalana ay ka faa’iideesteen dadkii qaatay.
Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/raxiin Ciise Caddow iyo Agaasimaha Tvga Qaranka Mudane Liibaan Cabdi Cali oo ka hadlay Tababarkaan ayaa sheegay inuu muhiim u ahaa Warbaahinta Qaranka ayaga oo u mahadceliyay Macalimiinta waqtigooda galiyay inay Aqoon kororsi u sameeyaan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.
Ku simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Mudane C/rixmaan Sheekh Yuusuf Cadaala ayaa kula dar daarmay Howlwadeennada Tababarka qaatay inay dhaqan galiyaan wixii ay barteen.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa asna gaba gabadii sheegay Wasaaradda ay abaal wayn kaga hayso Hay’adda Vikes dadaalka ay u samaynayso hormarinta shaqaalaha Wasaaradda.