Maamulka Puntland oo xabsiga kasii daayay 11 Dhalinyaro ah (Sawiro)

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Maamulka Puntland ayaa maanta xoriyadooda dib u siisay 11 eedeysane oo mudo xirnaa.

Maxaabiistan ayaa lagu eedeyey in ay ka tirsanaayeen maleeshiyaadka  balse lagu waayay danbiyadii ay u xirnaayeen.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Puntland  C/fitaax Xaaji Aadan ayaa halkasi kaga dhawaqay in 11-ka eedaysane lagu waayay wax dambi ah sidaasana ay ku fasaxeen.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka aan lagu helin dambiyada ay dib u siinayaan xorriyadooda ciddii dambi lagu helana maxkamad lasoo taagi doono.

Halkan ka fiiri Sawiro