Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay in ay qorsheenayaan in si dhaqsi ah u howl galiyaan Dekadda macmalka ah ee Ceel Macaan iyo sidoo kale garoonka Diyaaradaha Cisaley ee kuyaala duleedka magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in wax gor gortan ah aanay ka geli doonin furitaanka garoonka cisaley iyo Dekeda Ceel Macaan.
“Maamulka Hirshabeelle waxaa uu dhowaan howl gelin doonaa Dekeda Ceel Macaan oo qorshahooda meel wanaagsan marayo iyo garoonka Cisaley”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka ayaa sii xoogeysatay, kaddib markii dowladda Dhexe ay dhowaan soo saartay amar lagu mamnuucayo in diyaaradaha Qaadka ka degaan garoonka Jowhar.
Dad badan ayaa aaminsan in hadii dib loo howl geliyo Dekeda Ceel Macaan ay saameyn ku yeelaneyso habsami u socodka howlaha Dekeda weyn ee Muqdisho oo ka mid ah meelaha dhaqaalaha ka soo galo dowladda Federaalka.