Dowladda Mareekanka ayaa sheegtay inay hakisay lacagahii ay siin jirtya dowladda Itoobiya taasoo ay ku fulin jirtay la dagaalanka Al-shabaab.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu gabi ahaanba xanibay lacagahaas sababo la xariira hoos u dhac ku yimid dagaaladii ay kula jirtay dowladda itoobiya ururka Al-shabaab taasoo hadda uu ku sheegay inaysan jirin wax dagaal muuqda ah oo ay galaan Ciidanka Itoobiya.
Donald Trump ayaa sidoo kale Muujiyay sida ay muhiim u tahay in laga taxadaro dhaqaalaha lagu bixinaayo Al-Shabaab, isagoona balan qaaday in taageero buuxda la siin doonto Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.
Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Meesha laga saaray lacag dhan $150,000 oo Doollar ah oo uu mareykanka bilkasta u ku siinjiray Itoobiya dagaalka Al-shabaab.
Lacagtaasi ayaa Sanadkii dhan $1.8 Milyan oo Dollar.