Cadaymo iyo Sawiro laga helay askarigii lagu dilay Soomaaliya (Sawiro)

Warbaahinta Mareekanka oo warbixino kala duwan ka qortay askarigii habeen hore lagu dilay howlgalki ay ku qaadeen ciidamada Mareekanka Deegaan ay joogeen xoogaga Al-shabaab.

Askarigan oo la oran jiray Kyle Milliken ayaa ahaa 38 jir ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Maraykanka gaar ahaan qeybta Falmouth oo ka tirsan degaanka Maine.

Sida uu baahiyey Telefishinka ABC Kyle Milliken ayaa ka soo qeyb qaatay howlgalada ciidamada Maraykanku ka wadaan dalalka Ciraaq iyo Afghanistan,wuxuuna ku guuleystay bilado badan hase ahaatee ugu dambeyn shalay ayaa lagu dilay Somalia.

Kyle Milliken ayaa noqday askarigii ugu horeeyey Maraykan ah ee Somalia lagu dilo tan iyo sanadkii 1993-dii sida ay shaacisay waaxda Gaashaandhiga Maraykanka.

Howlgalka uu ku dhintay Kyle Milliken oo ka dhacay degaanka Daresalaam ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa sidoo kale warbaahinta Maraykanku xaqiijiyeen iney ku dhaawacmeen labo askari oo Maraykan ah iyo turjubaan Soomaali ah, iyadoo wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidamada kumandoska Somalia ee kuwa Maraykanka ku wehliyey weerarkan oo iyagoo dayuurado Helicobter ah wata ku degay degaanka Daresalaam halkasoo ay kula dagaalameen xoogaga Al-shabaab.

Halkan hoose ka eeg sawirada: