Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa ururka Daacish ayaa haatan ka socda Ceelka Il-Abbal, oo ka mid ah talisyada ugu muhiimsan ururka Daacish ee buuraha Calmiskaad.
Saraakiil dhinaca amniga ah oo aanu xog ka helnay ayaa inoo sheegay, in ciidamada Puntland ay saakay weerar qorsheysan ku qaadeen Ceelka Il-Abbal, halkaas oo si weyn loogu tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay ku-xigeenka horjoogaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud.
Ceelka Il-Abbal waa goob difaacyo dabiici ah ay ka sameysan yihiin, waxaana loo arkaa talisyada ugu weyn ee kooxda Daacish ee haatan isugu urureen. Ceelkan wuxuu ku yaalaa togga Qansaxdheere, wuxuuna u dhow tuulo xeebeedka Buruc iyo Bacaad, oo katirsan degmada Boosaaso.
Sababta ay goobtaan istaraatiijiga ah Daacish u doorteen ayaa loo arkaa, inay horjoogayaasha iyo xubnaha ee muhiimka ah ee kooxda ay ka caawin karta inay u baxsadaan dhinaca badda haddii ay ku adkaato dagaalka ka socda Calmiskaad.
Ilo amni ayaa sheegaya in ilaa hadda khasaarooyin laga soo wariyay dagaalkan, iyadoo maydadyo xubno ka tirsan Daacish lagu arkay goobaha la dagaalamayo. Welise Puntland ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan dagaalkan.
Wixii warar ah oo kusoo kordha kala socda wararkeenna dambe.