Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray Bakhaarada lagu keydiyo Raashinka Askarta.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kormeer balaaran ku sameeyay Keydka cuntada loogu xareeyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray Bakhaarada lagu keydiyo Cuntooyinka kala duwan ee loogu talagalay ciidanka sidoo kale hubiyay tayada Raashinkaas ku jira Kaydka dowladda.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha JFS ayaa sidoo kale hubinayey in ciidamada dowladda ay helaan ama lasiiyo raashinka ay xaqa u leeyihiin.

Halkaan hoose ka daawo sawirada