Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland, Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaas oo uu ku sugnaa madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa ku saleysan dadaallo lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Jubaland, iyadoo ay garwadeen ka yihiin dalalka gobolka, Wadahadallada ay la yeelanayaan labada dhinac ayaa ujeedkoodu yahay in xal waara laga gaaro khilaafkii siyaasadeed ee muddooyinkii dambe cirka isku shareeray.
Khilaafka labada dhinac ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd, kadib markii Dowladda Federaalka ay si cad u diiday in ay aqoonsato doorashadii Axmed Madoobe uu qabsaday.
Arrintaasi waxay keentay in xiriirka labada dhinac uu xumaado, iyadoo ay xigayeen waaranno is-daba joog ah, hadallo kulul oo warbaahinta la isku mariyay, iyo dagaallo culus oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose, halkaas oo dad shacab ah iyo ciidamo labada dhinac ah ay ku dhinteen.
Hase yeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Baarlamaanka hortiisa ka sheegay in xukuumaddiisu diyaar u tahay tanaasul iyo wadahadal dhab ah si loo helo midnimo qaran.
Waxa uu sheegay in dowladdu ay qancinayso dhammaan siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha tabashada qaba, isagoo xusay in dowladnimada Soomaaliya aysan suurtagal ku noqon karin is-jiidjiid iyo eed laisku jeediyo.