Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari Amran Axmed Xasan iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedkaasi.
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay qaabilaadiisa ayaa uga warbixiyay doorashadii ka dhacday maamulkaasi, xaaladda deegaanadda maamulka Waqooyi-Bari, taageeradda ay u baahanyihiin Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ee isugu jirta tababarada iyo aqoon kororsiga Xildhibaanadda iyo sidoo kale howlwadeenadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay dadaaladii laga soo maray dhisida maamulka Waqooyi-Bari ayaa sheegay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu soo dhoweynayo sidoo kalena uu dhiiragelinayo Guddoonka Iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari, sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay sidii loo taageeri lahaa golaha wakiilada ee maamulkaasi si ay u gutaan howlaha horyaala.