Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka duulaya dhaqangalka amarkii uu dhawaan bixiyey ee hagaajinta adeegyada garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ayaa maanta mar kale kormeeray qeybaha garoonka iyo gaar ahaan goobihii uu amray in la dayactiro.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in maalintii uu garoonka kormeeray 14 maalmood ka hor iyo maanta uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya isla markaana ay muuqato in shaqo la taaban karo laga qabtay.
“Waa laba maalmood oo aad u kala duwan maanta iyo 14 maalmood ka hor oo aan halkaan imid, isbeddel ayaa ka muuqda garoonka, waxaan imid maanta iyadoo mashiinadii ay shaqeynayaan qaarkood oo la beddelay inta kalena ay socoto shaqadeedu”. ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.
Mudane Xamse ayaa mar kale amar ku bixiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan looga shqqeeyo hagaajinta nidaamka qabooojiyaha garoonka diyaaradaha iyo in biya macaan ay helaan dadku, isagoo muddo hal toddobaad ah u qabtay shirkadda garoonka maamusha.