Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa maanta furay shir looga hadlayay horumarinta Isgaarsiinta dalka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, waxana ka qeyb galay Wakiilo ka socday Maamullada dalka iyo Masuulyiinta Shariikadaha Isgaarsiinta, iyadoo shirkan uu socon doono muddo saddex cisho ah laguna falanqeyn doono arrimo muhiim u ah Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada dalka.
Cabdi Canshuur Xasan wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta dalka ayaa xusay in horumarka tiknoolajiyadda ay dalka ahmiyadda wayn u leedahay ayna ka qayb qaadanayso kobcinta dhaqalaha.
Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo la hadlayey ganacsatada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in ganacsatadda Soomaaliyed looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan horumarinta dalka iyo dhismaha dowladdanimada taas oo sare u qaadaysa tayeynta ganacsigooda.
Mudan eXasan Cali kheyre Ra’iisul wasaaraha Xukumadda federaalka soomaaliy ayaa mar uu la ahdlay wakiiladda Shirka u matalayadda dowlada goboleedyadda dalka ugu baaqay in ka shaqayaan midnimadda iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen soo celinta sumcadda wadankeena.
Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa ugu danbayntii kula dardaarmay ka qayb galayaasha shirwaynha looga hadlayo horumarinta Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda in shirkan loo baahanyahay in uu ka duwanaado shirarkii hore isla markaana ay soo baxaan talooyin wanaagsan.