Gudoomiyaha Baarlamaanka oo si adag uga digay dhaqdhaqaaqyada siyaasiyiinta mucaaradka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ahna kusimaha madaxweynaha ayaa maanta kormeer ku tagay Saldhigga degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho, halkaas oo shalay iska hor imaad uu  ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa xubno mucaaradka ah.

Kusimaha madaxweynaha Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku tilmaamay in dhacdadii Shalay aheyd mid laga xumaado, wuxuuna si weyn u amaanay ciidanka dowladda oo uu sheegay iney yareeyeen dhibaatadii halkaas ka dhici laheyd.

“Xabadaha aan saldhiga ku arkay xitaa waa ka weyn yihiin kuwii dagaallada sokeeye, waan ka xumahay in dalkan markale loo horseedo qalalaaso iyo kicin dadweyne, ma aheyn wixii shalay halkan ka dhacay wax qof masuul soo noqday hadana doonayo inuu xil qabto wuxuu ku dhaqmo waa ayaan daro” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. 

Wuxuu sidoo kale xusay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe in baaritaan dhab ah  lagu sameeynayo dhacdadii ka dhacday suuqa Siinaay, halkaas oo ciidamo boolis ah lagu eedeeyay inay jirdil u geysteen dad rayid ah, wuxuuna ugu baaqay ciidamada inay adkeeyaan sugidda amniga caasimadda.

“Waxaan bogaadinaya ciidanka Booliiska oo shalay si weyn u xakameyay dhacdadii Shalay ee dhibaatada loogu geystay ninka waayeelka ahaa ee ka jawaabay soona qabtay ciidankii xadgudubka u geystay waayeelka, waxaana loo gudbin doona Cadaaladda” ayuu yiri kusimaha madaxweynaha Sheekh Aadan Madoobe. 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale ka digay abaabulo uu sheegay in shacabka lagu dhiirigaliyo dhibaato kale oo dhacda oo ay wadaan xubnaha mucaaradka ah.

“Waxaan ka digaya qorshayaasha mucaaradka wax ku raadinayaan waxaan leeyahay waxaad ku howlan tihiin maha wax wanaagsan ee ka digtoonaada, waxaan leeyahay wixii shalay dhacay yaysan markale dhicin” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. 

Kormeerka kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka uu maanta ku tagay Saldhigga degmada Warta Nabada ayaa kusoo aadaya, iyadoo shalay halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa xubnaha mucaaradka.