Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta ayaa hadda warbaahinta kula hadlaya magaalada Muqdisho, iyagoo shaaciyay in dagaalkii maanta looga dilay qaar kamid ah ilaaladooda, halka kuwa kalena looga dhaawacay.
Mucaaradka ayaa sheegay in dhashiike lagu dhuftay gawaaridii ay wateen qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo kamid yihiin Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeediyay shirka jaraa’id ee mucaaradka ayaa sheegay in iska hor imaadkii ka dhacay saldhiga Warta Nabadda looga dilay mid kamid ah ilaaladiisa.
“Wiilkii aniga gaariga ii saarnaa ayey xabad seben ah lagu dhuftay wuuna dhintay, Macallin Mahdi ayaa bixiyay markaas asaga ayaana qaadaya masuuliyadda,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre oo si aad ah u careysan.
Kheyre ayaa ku eedeeyay ciidanka dowladda in ay si bareer ah u bartilmaameedsadeen, ayna u adeegsadeen hub culus, isagoo sheegay in ciidankooda ay xakameeyeen, si khasaaraha u badan.
“Shir jaraa’id anaga oo ku qabanayna banaanka saldhiga waxaa nagula bilaabay xabad oo ciidan Macalin Mahdi hoggaaminaya oo saldhiga ku jira xabad nagu soo ridaan, xabadii ma joogsan oo hoos ayaa nagula dhigay,” ayuu yiri Kheyre.
Waxa uu intaas kusii daray “Kadib marka kasoo tagnay, anaga oo ku socono barxadda Siinaay si shir jaraa’id ugu qabano waxaa la xabadeeyay gawaaridayada.”
Sidoo kale waxa uu yiri “Jidka marka soo mareynay waxaa Siinaay loo soo diray ciidankii Soomaaliyeed ee loogu talagalay inay Shabaab la dagaalaman oo gurmad u ah inay nasoo laayan anaga.”
Kheyre ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maanta dowladda isku haysan doorasho iyo arrimo la xiriira dastuurka, balse ay isku haystaan dad shacab ah oo guryahooda laga barakicinayo iyo gumaadka loo geysanayo qeybo kamid ah reer Muqdisho.
Hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa galabta tegay saldhigga Warta Nabadda, oo ay ka socotay soo bandhigista askartii jirdilka ka geystay xaafadda Siinaay, iyagoo isku dayay inay xoog ku galaan saldhiga, waxaana halkaasi isku dhac kooban uu ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa la socday mucaaradka.
Rasaas iyo hub xooggan ayay dhinacyadu isku rideen, ayadoo la soo sheegayo in rasaasta qaar ay u gudubtay dhanka qolalka xabsiga ee ay ku jiraan maxaabiista ku xiran saldhiga Warta Nabadda.
Dowladda Soomaaliya oo dhankeeda ka hadashay dhacdadan ayaa si u cambaareysay arbushaada ay siyaasiyiinta mucaaradka ka sameeyeen saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Dowladda ayaa tallaabada mucaaradka ku tilmaamtay mid ay ku rabeen inay xoog kula wareegaan saldhiga booliska ee degmada Warta Nabadda.
Sidoo kale waxay sheegtay inay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan ciidamada qalabka sida ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.
Si kastaba, xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa kasii dareysa, iyadoo dhinacyadu isku fahmi waayeen shirar dhowr ah oo ku yeesheen magaalada Muqdisho, xilli ay billooyin ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.