Warar dheeraad ah ayaa laga helaya iska hor imaad kooban ayaa goordhoweyd ka dhacay afaafka hore ee saldhiga degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho. Kaasoo dhexmaray ciidamada dowladda kuwa Mucaaradka.
Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii hoggaamiyayaal ka tirsan mucaaradka oo uu hoggaaminaayay madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ay gaareen Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho oo maanta askar ka tirsan ciidanka dowladda tacadiyo ugu geysteen dad shacab ah.
Hoggaamiyeyaashan mucaaradka ayaa maanta si weyn uga xumaaday falkii ay ku kaceen ciidanka dowladda, waxaana markii ay tageen afaafka hore ee Saldhiga uu isku dhac kooban uu dhexmaray ilaaladooda iyo ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugna.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in isku dhacaasi uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.
Dhinacyada ayaa mudo daqiiqado ah isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana wararku qaar tilmaamayaan in rasaasta qaar gudaha u gashay qolal ay ku xirnaayeen maxaabiis.
Isku dhacaan maanta dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka ee u dhaxeysa dowlada Fedaraalka mucaaradka iyo waliba tan burburinta dhulalka danta guud oo ay shacabka diidan yihiin.
Ugu dambeyntii muuqaalo maanta lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Aabe waayeel ah iyo hooyo ay si xun u garaacayaan ciidamada dowladda, waxaana ugu dambeyn ragaasi oo ahaa shan askari oo ka kala tirsana Booliiska iyo Nabadsugidda dhar cadka ah soo bandhigay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya oo sheegay in sharciga la horkeeni doono.