Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo xooggan oo lagu beegsaday kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, sida la soo xigtay maamulka Puntland.
Xukuumadd Puntland ayaa xaqiijisay in Mareykanka uu maanta fuliyey laba duqeyn oo ka dhan ah kooxda Daacish, gaar ahaan togga Baalade oo ku yaalla Calmiskaad. goobta la beegsaday ayaa lagu tuhunsan yahay in weli ay ku sugan yihiin haraagida kooxda.
War kooban oo kasoo baxay taliska howlgalka ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeymahan lagu bartilmaameedsaday godad ay ku dhuumaalaysteen dagaalyahanada Daacish, iyadoo oo uu howlgalkaan fuliyey Mareykanka oo taageeraya howlgalkan ka socda gobolka Bari Soomaaliya.
Sidoo kale, Puntland ma aanay sheegin khasaaraha jira ee soo gaaray kooxda la gaarsiiyey.
“Saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka oo taageeraya Ciidanka Hawlgalka kujira, ayaa Labo duqeyn hadda la beegsaday Godadka firxadka Argagixisada Daacish ku dhuumanayeen ee togga baalade, Calmiskaad” ayaa lag yiri warka Puntland.
Howlgalkan ayaa ku soo aadaya maalin kadib, kulan albaabada u xirnaa oo magaalada Boosaaso ku dhexmaray madaxweyne Saciid Deni iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley oo uu wehliyey Taliyaha Taliska Howlgallada Gaarka ah ee Afrika (USSOCAF), Jeneraal Claude Tudor, kaasi oo lagu carrabaabay in looga wadahadlay dagaalka ka dhanka ah kooxaha loogu yeero argagixisada in uusan kaliya khatar ku ahayn Soomaaliya, balse uu saamayn ku leeyahay gobolka oo dhan iyo amniga caalamka.