Masar ayaa xaqiijisay diyaar-garowgeeda ah inay ciidamo u dirto Soomaaliya, qaybna kla noqda howlgalka Ku meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM, iyada oo ciidamadeeda ka socda ay ku soo wajahanyihiin dalka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay taageerada joogtada ah ee Qaahira u fidiso Soomaaliya, iyada oo lagu xoojinayo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, dhismaha hay’adaha dowladeed iyo la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.
Masar ayaa ku adkaysatay in xiriirka taariikhiga ah iyo midka qoto-dheer ee labada dal uu saldhig u yahay iskaashiga cusub, iyadoo tallaabadan loo arko muujin garab-istaag iyo wada-shaqeyn istiraatiiji ah oo gobolka Geeska Afrika ka hana qaada.
Sidoo kale, bayaan ka soo baxay Qaahira ayaa lagu caddeeyey in ka qaybgalka AUSSOM uu yahay mid lagu doonayo in Soomaaliya loo abuuro xaalado ku habboon xasillooni iyo horumar waara, ayna sii socon doonto xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal, taasoo lagu adkeeyey kulankii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ee ka dhacay Janaayo 2025 Qaahira.
Mas’uuliyiinta Qaahira ayaa carrabka ku adkeeyay inay qaadi doonaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo xiriirka labada dal, si loo xaqiijiyo danaha iyo yoolalka ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed iyo Masaarida.