Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Saraakiisha amaanka ku amray iney ka shaqeeyaan Xaqiijinta amaanka guud ee Gobolka Baay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Saraakiisha loogu baahan yahay in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Cusub ee uu usoo Magacaabay Gobolka Baay.
Shariif Xasan ayaa Saraakiisha amaanka u sheegay in lagula Xisaabtamayo amaanka guud ee Gobolka Baay isla markaana laga doonayo in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Baay.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in muhiim tahay in laga shaqeeyo horumarinta gobolka, isla markaana muhiimada koowaad ay noqoto adkeynta nabadgelyada.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa khamiistii la soo dhaafay u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere C/raxmaan oo ah qurbe jooge muddo ka maqnaa dalka.