Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta dowladda Boqortooyada Ingiriiska kala wareegtay Gaadiid iyo qalab casri ah oo loo farsameeyay iney ka hor tagaan waxyaabaha qarxa.
Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa Gaadiidka iyo qalabka casriga ah ku wareejisay Ururka Sancada ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Munaasabada waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in qalabkan casriga ah iyo Gadiidka uu ka qeyb qaadan doono horumarinta awoodda iyo xirfadaha ciidanka xoogga dalka.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in qalabkani ay la wareegtay dowladda Soomaaliya inuu si weyn u kordhin doono badqabka iyo hufnaanta howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha loogu yeero argagixisada, wuxuuna uga mahadceliyay dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada istiraatiijiga ah ee ay siiso Soomaaliya.
Ugu dambeyntii dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha Soomaaliya sida weyn uga taageera dhinacyada kala duwan ee amniga iyo horumarinta dowlad dhiska.