Taliyaha Ciidanka XDS oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odaawa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidamada Hawlgallada Gaarka ah ee Bariga Africa ee Dowladda Mareykanka (JSOTF -EA) ayaa xerada Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab,

Taliyaha ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada Ciribtirka Khawaarijta.