DHAGAYSO CODKA: Kenya oo Jubbaland ku wareejisay Maxaabiis Kunteenaro ku xirnaa jiray

Dowladda Kenya ayaa Maxaabiis Soomaaliyeed kusoo wareejisay Maamulka Jubbaland,

Dadkaan ayaa ahaa maxaabiis ku xiran Mingi oo gudaha Kenya ah halkaasna ay ku qabeen dhibaato badan oo dhanka Nolosha ah.

Taliyaha Ciidamada degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose Heybe Axmed Cabdullaahi ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaani ay ku jireen Konteenaro ku yaalla dalka kenya, halkaasina ay maxaabiis ku ahaayeen.

Taliye Haybe ayaa sheegay in dadkaas markii hore ay ka wadeen Soomaaliya muqalisiin Ganacsato ah  ayagoo la doonayo in la galiyo Gudaha Kenya.

Maamulka Jubbaland ayuu sheegay taliye Heybe in xiriir ay la sameeyeen dowladda Kenya in ay u suurta gelisay in lagu soo wareejiyo dadkaan oo isagu jiray dhalinyaro Caruur iyo Haween tiradoodana ay ahayd 47 qof hadana gacanta Maamulka Jubbaland lagu soo wareejiyay.

Dadkaan ayaa qaarkood ka muuqday kuwa diif iyo dan daro ay ka muuqato halka qaar kalena ay ahaayeen ku dawaqsan oo waxyeelada kunteenarku ay saamayn ku yeelatay.

Dhagayso Codka taliyaha