Safwaan Xasan Aadan (Safwaan Halac), oo kamid ahaa fanaaniinta ugu caansan geyiga Soomaalida, gaar ahaan si weyn looga yaqaanay Somaliland, ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo xalay ka dhacay magaalada Hargeysa.
Fanaanku waxa uu geeriyooday kadib markii uu la dhacay baabuur uu isagu waday, xalay xilli dambe. Sidoo kale laba hablood oo baabuurka la saarnaa ayaa dhaawac culus soo gaadhay.
Hoobalka ayaa dhawaan kasoo laabtay dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ku noolaa tobankii sano ee u dambeeyay, isaga oo bilihii u dambeeyay joogay magaalada Hargeysa, kana qaybgalayay bandhig faneedyo iyo cawaysyo lagu qabto goobaha fanka.