Xasan Sheekh Iyo Al-Shabaab

Xasan Sheekh Maxamuud waxaa markii u horraysay la doortay September, 2012. Saddex bilood kadib, November, 2012 waxa uu ku dhawaaqay hawlgal loogu magacdaray GORGOR. Maadaama Madaxweynihii ka horreeyay ee Sheekh Shariif uu ku guulaystay inuu kooxda Alshabaab (AS) ka saaro caasimadda dalka, waxa uu Xasan Sheekh go’aansaday inuu isna ka fogeeyo caasimadda dalka ee Muqdisho.

Hawlgalkaasi magaalooyinka lagu qabtay waxaa kamida Warshiikh, Cadale, Jawhar iyo Mahadaay. Muddo yar kadib waa uu joogsaday hawlgalkii. August, 2014 waxa uu haddane Xasan Sheekh ku dhawaaqay hawlgal kale oo loogu magacdaray Operation Indian Ocean (OIO).

Hawlgalkan waxa uu ahaa mid ka ballaaran midkii hore. Sida magaciisa ka muuqata waxaa hawlgalkan muhiimadda lagu saarayay magaalooyinka dhaca xeebta, waana sababta loogu magacdaray Hawlgalka Badweynta Hindiya. Muddo sagaal bilood ayaa uu socday hawlgalkan. Saaxiibada caalamiga iyo ciidamada dawladda ayaa iska kaashaday. Magaalooyinka lagu qabtay waxaa kamida caasimadda kooxda AS oo markaa ahayd magaalada Baraawe.

Waxaa kale oo hawlgalkaa lagu xoreeyay magaalooyinka kala ah; Ceelbuur, Buulaburte, Maxaas, Jalalaqsi, Ceelcade, Farlibaax, Buulamareer, Kuntuwaarreey,, Ceelgaras, Raagaceelle, Kudhaa, Xudur, Tiyeegloow, Rabdhuurre, Waajid iyo Buurdhuubo IKK. Sidoo kale, hawlgalkan inta uu socday waxaa lagu khaarijiyay Amiirka kooxda AS, Axmed Cabdi Godane. 1 September, 2014 ayaa uu Maraykanka ku duqeeyay deegaanka Haawaay ee Shabeellaha Hoose. Inta uu hawlgalkan socday waxaa isa soo dhiibtay in ku dhow shan boqol oo AS ah oo saraakiil iyo iyo dagaalyahanno isugu jira. Sakariya Axmed Ismaaciil oo ahaa Amiirka sirdoonka kooxda AS ayaa kamida saraakiisha sarsare ee isa soo dhiibay inta hawlgalkaa lagu jiray.

Waxa uu hawlgalkan joogsaday badhtamihii 2015. Wax hawlgal ah oo kale lama qaadin oo sidaa buu xukunka uga degay Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh muddo xileedkiisii koowaad waxaa la dilay horjoogayaal sarsare oo kooxda kamid ah, aadna lafdhabar ugu ahayd. Waxaa kamida horjoogayaashaasi; Ibraahim Cali Cabdi oo loo yaqaanay Anta Anta ama Adeer Cali. Waxa uu ahaa amiirka Maktabka Qaraxyada. Waxaa la duqeeyay October, 2013. Maxamuud Maxamed oo ku magacdheer Dulyadayn ama Gacmadheere ayaa kamida hoggaamiyaasha kooxda ee la dilay. Waxa uu isku ahaa tababbare, wacyigeliye, iyo amiirka mid kamida saddexda jabhadood ee ka asaasan gudaha dalka Kenya. Waxaa la duqeeyay June 2016. Axmed Cabdiqaadir Cabdullaahi oo ku magacdheer Isku Dhuuq ayaa kamida amiirada la dilay mudda xileedkii hore ee Xasan Sheekh. Isku Dhuuq ayaa kooxda ka soo qabtay xilal ay kamid yihiin Amiirka Maktabka Caafimaadka iyo Amiirka Maktabka Amniga Guud ee Wilaayaadka iyo Lataliyaha Gaarka Ah ee Axmed Godane. January, 2014 ayaa lagu duqeeyay goob u dhexaysa degmooyinka Sablaale iyo Baraawe.

Saraakiisha kale ee la dilay waxaa kamida Aadan Garaar oo kamida dagaalgeliyaasha jabhadaha. March, 2015 ayaa lagu duqeeyay goob u dhow degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Xasan Cali Dhoore oo ahaa amiirka shabakadaha dilalka qorshaysan ee gobolka Banaadir ayaa kamida saraakiisha la khaarajiyay mudda xileedkii koowaad ee Xasan Sheekh. April, 2016 ayaa la duqeeyay. Yuusuf Xaaji oo kooxda looga dhexyaqaano Macallin Daa’uud ayaa kamida saraakiisha la dilay. Waxa uu ahaa tababbare, iyo mid kamida lafdhabarta ciidanka Jayshka ee kooxda AS. June 2016 ayaa lagu duqeeyay goob u dhawayd Kuunyabarow. Cabdishakuur Tahliil oo markaa laga dhigay Amiirka Sirdoonka kooxda ayaa duqayn lagu dilay December, 2014. Horjoogayaashaas sarsare iyo kuwa dhexeba waa la dilay mudda xileedkii koowaad ee Xasan Sheekh.

Haddaba mudda xileedkiisii labaad ee Xasan Sheekh waxaa la doortay May, 2022. Imaatinkiisa xukunka iyo waxaa isku beegmay dagaalkii AS iyo Macawisleyda. Ma uu nasan ee toos buu hawlgal ugu dhawaaqay. Waynu u wada joognay hawlgalkaas iyo inta magaalo ee lagu xoreeyay iyo inta amiir ee ku baxday. Aadanyabaal ayaa kamida magaalooyinka ay dhawr iyo tobanka sano xukumayeen ee laga la wareegay kooxda AS.

Duruufo Siyaasadeed iyo dhaqaale iyo arrimo kale ayaa uu hawlgalkii u joogsaday. Muddo sannad ah oo aysan Dawladu qaadin wax hawlgal ah ayay sannadkan billowgiisa hawlgal ku dhawaaqday. Maanta ayuu Madaxweynuhu furimaha iska xaadariyay, isaga oo ka badbaaday iskuday dil oo loo gaysan rabay.

Xasan muddo xileedkiisii hore labo hawlgal ayuu ku dhawaaqay. Midkii labaad waxa uu ahaa kii lagu khaarajiyay Amiirkii kooxda AS, caasimaddeedii Baraawe ahaydna lagu qabsaday.

Mudda xileedkane waxa uu Xasan Sheekh ku dhawaaqay laba hawlgal. Haddaba ma suurtagal baa in hawlgalkan labaad ee ay dawladdu ku dhawaaqday in sida midkii hore oo kale lagu khaarijin doono Amiirka kooxda AS Axmed Diiriye, kaguna qabandoono caasimaddooda Jilib? Haddaba Horjoogayaasha ku baxay muuda xileedkan waxaa kamida; Maxamed Maxamuud Mire oo ahaa Waaliga Wilaayada ee kooxda AS. Jagadiisa waxa uu u dhigmaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dalka. December, 2024 ayaa lagu duqeeyay goob kamida Shabeellaha Hoose. Cabdullaahi Nadiiir oo ahaa amiirka Maktabka Dacwada ayaa kamida hoggaanka sare ee kooxda ee mudda xileedkan ku baxday gacanta dawladda iyo saaxiibada caalamiga. October, 2022 ayaa lagu duqeeyay isaga oo saaran gaarigiisa oo marar duleedka Jilib. Xasan Sheekh waxa uu yahay hoggaamiye u daran argaggixisada oo laf dhuun gashay ku noqday oo mudda xileed kasta aan u nasan, iyagane aan ka nasan. Waxaan rajaynayaa inuu Eebbe guuleeyo Madaxweynaha.

W/Qoray: Aw Dacar