Golaha Wasiirada oo xilka ka qaaday Hanti dhowraha Guud ee Qaranka

Warar laga helayo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan deg deg ah oo albaabada u xiran uu xilligan u socdo Golaha Wasiirada Soomaaliya

Golaha Wasiirada ayaa shirka uga hadlaya xaaladaha ammaanka Muqdisho iyo dilkii xalay loo geystay Wasiir Cabaas Siraaji.

Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax oo lagu helay in Ilaaladiisa ay xalay toogteen Wasiirkii Howlaha Guud Cabaas Siraaji.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro tallaabooyin la xiriira ammaanka Muqdisho, gaar ahaan sida laga yeelayo ciidamada hubeysan ee Muqdisho ku sugan.