Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in uu diyaar u yahay naftiisa in uu u huro dalka, una geeryoodo, wuxuuna tilmaamay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya uu ku booqan doono Farumaha Dagaalka.
Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in asaga kaliya uusan diyaar ahayn ee arintan ay ku wehliyaan xukuumada iyo qaybo kamid ah wasiirada kuwaas oo diyaar u ah inay ayaga u huraan naftooda u huraan dalka ayna garab siiyaan ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu kala qeyb geli doono Dagaalka ka dhanka ah ee ay kula jiraan ururka Al-shabaab.
Hadalka ka soo baxay Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Madaxda Dowladda Federaalka ay horey u sheegeen in ay garab taagan yihiin Ciidanka xoogga.
Halkan ka dhagayso codka R/wasaare Khayre