Beesha Caalamka ayaa War kasoo saartay doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu waddo in ay maanta ka dhacdo Magaalada Cadaado.
Beesha caalamka ayaa si wayn usoo dhawaysay Doorashada lagu wado in lagu qabto maanta magaalada cadaado, waxayna si wayn ugu booriyeen maamulka Galmudug inuu ka shaqeeyo dib u heshiisiinta Goboloda Dhexe.
Mar ay ka hadlayeen wadahadaladii burburay ee u dhexeeyay Maamulada Galmudug iyo ahlu-Sunna ayay sheegeen inay aad uga xunyihiin.
Sidoo kale Beesha caalamka ayaa balan qaaday inay diyaar u tahay inay fududeeyaan wadahadala dib u heshiisiinta labada dhinac.
Beesha caalamka ayaa ugu baaqday maamulka Galmudug inay si dhaqsa ah u bilaabaan wada hadalada una dardar galiyaan inay qabsoomaan wadahadaladaas.