R/wasaare khayre ayaa ku howlanaa kulan looga hadlayay dardar galinta howlaha xukuumada waxaana lagu wadaa inuu maanta kusoo xiro magaalada Muqdisho kulankaas iyo waxyaabahii looga hadlay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in uu bilowday waqtigii lala xisaabtami lahaa Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirada.
Mudane Kheyre ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Cidkaste oo xil loo dhiibo in lala xisaabtamo
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay diyaar u tahay in ay ka hortagto qabyaaladda ,islamarkaana ay si siman ugu shaqeyso Bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay Cidii lagu helo Musuq Maasuq in lala xisaabtamo Sharcigana lala tiigsado.
Dhagayso codka R/wasaaraha