Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo u waramayaya idaacada Voa Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in maanta uu maamulkooda isa soo dhiibtay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Mudooyinkii u danbeeyay ay isa soo taraysay xubnaha Al-shabaab ee ku soo biirayay dhankooda
Wasiirka ayaa sheegay in sarkaalka maanta isa soo dhiibay lagu magacaabo Cabdikariim Sheekh Xasan, islamarkaana uu dhinaca caafimaadka gobolka Gedo u qaabilsanaa Al-Shabaab.
Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Dowlada federaalka Ee Soomaaliya Mudane Maxmed Cabdulaahi Farmaajo uu Cafis u fidiyay Maleeshiyaadka Iyo Saraakiisha ka tirsan Al-shabaab hadii ay badalaan fikirkooda la xiriira dagaalada iyo qaraxyada
Halkan Hoose ka Dhagayso Wareysiga Wasiirka Amniga