Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Boqolaal Dadweyna ah kula hadlayay Madaxtooyada Maamulkaas ayaa ka warbixiyay Wadahalladii fashilmay ee Galmudug iyo Ahlusunna.
Waxaana Sheekh Maxamed Shaakir uu xusay in Maamulkiisa uu gudbistay Dhaqaalo kaga baxay Dagaaladii ay Gobollada Dhexe kula galeen Xarakada Al Shabaab, iyo weliba xuquuqo maamulkaasi uu ku lahaa dowladda dhexe oo aan la siinin.
Dhinaca kale Sheekh Maxamed Shaakir ayaa hoosta ka xariiqay in qodobada ka maamul ahaan ay la shir tageen ay soo jiiteen Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gudaha dowladda Soomaaliya walow markii dambe laga wareejiyay wahadalladaasi islamarkaana ay majaraha u qabteen Masuuliyiinta sar sare ee Dalka sida Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale waxa uu cadeeyay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan in ay soo jeediyeen isku darida Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna taas oo aan u cuntamin Ra’iisul Wasaare Kheyre sababo ku aadan in Xildhibaanada Ahlusunna ay yihiin kuwa isku mabda’ ah balse Baarlamaanka Galmudug ay yihiin kuwa aan hal qorsho wada lahayn ee kala aragti duwan.
Wadahadalladii Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaac ayaa fashil ku soo gaba gaboobay iyadoona dowladda Soomaaliy ay haatan damneeneyso in markii la doorto Madaxweynaha Galmudug ay dib u bilowdo Wadahadalladaasi.