Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal shalay ilaa xalay ka socday Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan degaanka lambar 50, halkaasoo ay ku dagaalameen ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Number 50, waxaana la iskuna adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Gudoomiyaha degaanka lamabar 50 Cabdulaahi Waafow oo la hadlay warbaahintta ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay gubeen tuulooyin dhowr ah oo u dhow degaanka lamabar 50.
Inkastoo Xaaladda degaanadii lagu dagaalamay ay saakay degantahay waxaa wali laga dareemayaa dhibaatadii uu reebay dagaalkii xooganaa ee saacadahii lasoo dhaafay halkaas ka dhacay.
Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro kala duwan kusoo qaada saldhigyadda Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.
Halkan ka dhagayso gudoomiye Waafow hadalkiisa