Ururka Al-Shabaab ayaa galinkii danbe ee maanta fagaare ku yaalo deegaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan ka fuliyeen xukun dhagax ku dil ah.
Ruuxa dhagaxa lagu dilay, ayaa Al Shabaab waxa ay ku eedeeyeen inuu gaystay fal kufsi ah, kadibna uu dilay gabadhii uu kufsaday walaalkeed, iyadoo arintaasi uu ku caawiyay askari sida Shabaab ay sheegeen ka tirsanaa ciidamada dowladda.
Sidoo kale Al Shabaab ayaa toogasho ku dilay Yuusuf Cali Bajiin oo 22 sano jir ah, kaasi oo isagana lagu eedeeyay inuu qayb ka ahaa falka kufsiga ah, waxayna Shabaab sheegeen inuu Yuusuf ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda,
Xukunkaan ayaa sida Shabaab ay sheegeen waxaa fulisay maxkamada Al Shabaab ee Gobolka Hiiraan, waxaana saaka markii xukunka uu dhacaayay fagaaraha ku sugnaa dadweyne fara badan oo daawanaayay qaabka xukunka dhagax ku dilka ah Shabaab ay u fuliyeen.
Maxkamadaha Shabaab ayaa inta badan soo saara xukun hal dhinac ah, iyadoo dadka la xukumo aysan heli qareeno u dooda kiiska eedeynta ah ee Shabaab ay ku soo oogeen.