Wararka laga helaayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegayaan in hada halkaasi uu ka socdo Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda Federaalka iyo ururka Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Dadka Degaanka ayaa sheegaya Dagaalka in uu si gaar ah uga socdo Degaanka lambar 50, la iskuna adeegsanayo Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Militariga ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkaasi uu bilowday galabta abaaro casirkii ilaa hadana uu socdo waliba dagaalka ayaa muuqanaya mid sii xoogeyatay saacadihii u dambeeyay.
Waxii war ah oo kusoo kordhaa dagaalkaas dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa