Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada Dowladda Jarmalka ahna Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dalkaasi Sigmar Gabriel ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, isla markaana kulan la qaatay R/wasaare Khayre.
Labada dhinac ayaa kulankoodii uga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga labada dowladood iyo wax ka qabashada dhinacyada amniga iyo xaaladaha abaaraha.
Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Jarmalka Mr Sigmar Gabriel ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ugu deeqday Soomaaliya lacag dhan 70-milyan oo Euro.
Raisul wasaaraha dowladda Somalia Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka mahadceliyay lacagahaasi deeqda ah, isagoo ku booriyay in dowladda Jarmalka ay halkaasi ka sii wadaan taageeridda dadka Soomaaliyeed
Booqashada Raisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Jarmalka ayaa qeyb ka dadaalka beesha caalamka ugu jirto garab istaaga Dowaladda Federaalka Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha Abaareed ee kajira Dalka.