April30: Wasiir Eng. Yariisow ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar uga furay qaar kamid ah Warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.
Dhowaan ayay ahayd markii uu sheegay in daldalool badan ay ka jiraan dhanka Saxaafada Soomaaliya asagoo balan qaaday inuu la imaan doono qorsho horumarineed oo lagu tayeen doono Saxaafada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa tababarka u furay ku dhowaad 30 saxafi oo ka shaqeeya warbaahinta ku taala gobolka Benaadir, iyada oo tababarka ay ku qaadan doonaan casharo la xiriira anshaxa iyo qaabka looga shaqeeyo wadamada lamidka ah Soomaaliya.
Wasiirka ayaa hadal kooban ka jeediyey furitaanka tababarka, waxaana uu dardaaran u jeediyey wariyeyaasha loo furay tababarka.